Madaxweynaha Soomaaliya oo Tanzania kaga qeyb galaya shirka hoggaamiyaasha qaaradda

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu socdaal ku tago dalka Tanzania, isagoo kaga qayb galaya shirka hoggaamiyaha Afrika ee tamarta.

Kulanka maanta ka dhacaya magaalada Dar es Salaam ee hogaamiyayaasha Afrika ayaa sanadkan lagu gorfeyn doonaa Tamarta Africa, kaas oo bilaabmay Isniintii todobaadkan.

Shir-madaxeedkan ayaa kulmiya hoggaamiyeyaasha Afrika, daneeyayaasha qaybta tamarta, iyo la-hawlgalayaasha horumarinta, iyadoo ujeedadiisuna tahay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee wax ka qabashada caqabadaha tamarta Afrika iyada oo la qaadanayo Baaqa Dar es Salaam.

Bayaanka ka soo baxa shirka ayaa la carrabaabay inuu dib u xaqiijin doono sida ay uga go’an tahay Madaxda Afrikaanka ah iyo Dawladaha, si loo xaqiijiyo tamar la isku halayn karo, la awoodi karo, iyo tamar waarta guud ahaan qaaradda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed