Madaxweynaha Soomaaliya oo Shir Guddoomiyay Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka furmay magaalada Muqdisho, kaasi lagu lafa gurayo la dagaallanka kooxda Alshabaab, xoreynta deegaannada weli ku jira gacantooda, Hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee dowladdu damacsan tahay inay dalka ka hirgeliso iyo qodobo kale.

Madaxda ka qeyb gashay shirkan ayaa kala Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 1-aad Saalax Axmed Jaamac & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir.

Bayaan hordhac ah oo shirka madaxtooyadu ka soo saartay ayaa lagu yiri “Shirkan oo ah mid heer qaran ah, ayaa waxaa looga arrinsanaya xaaladda dalka, howlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed, dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada”.

Gogosha wadatashiga qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha, ayaa looga golleeyahay xoojinta midnimada siyaasadda, amni iyo dowlad-dhiska, si xal looga gaaray ismariwaaga siyaasadeed ee taaggan.

Inkasta oo Puntland ay ka fogaato ka qeybgalka madashan oo ay horey u diidday inay ku soo biirto tan iyo sanadkii 2022-kii, hadane waxaa isna shirka kaalintiisu maqan tahay Jubbaland oo ka baxday sanadkii hore, sidoo kalane aanay aqoonsaneyn madaxweynaheeda DFS, kadib doorashadiisii Kismaayo.

Waxaa la filayaa in waqtiyada soo socda laga soo saaro go’aamo mideyn doona aragtida dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan kuwa ku aaddan amniga, doorashooyinka iyo hannaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed