Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Shirweynaha Tamarta Afrika oo ka socday dalka Tanzania ayaa sheegay in dalka Soomaaliya aanay dadkeedu heli karin sida uu hadalka u dhigay kala bar Koronto ku filan.
Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta, sida Qorraxda iyo Dabaylaha, kuwaasi oo Mustaqbalka noqon kara ilo muhiim ah oo laga dhaliyo Tamar saaxiib la ah deegaanka.
Waxaa uu sheegay in Horumarka Soomaaliya ay hiigsanayso uu u baahan yahay tamar jaban oo la heli karo.
“Maanta dadkayagu kala bar “50%” ma haystaan Koronto ku filan, sidaas awgeed waxaan qorshaynaynaa in aan xoojinno maalgashiga Tamarta, si aan awood ugu yeellano hirgelinta warshadaha, casriyeynta kaabeyaasha nolasha iyo xoojinta adeegyada bulshada” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Sidoo kale, Shir madaxeedka Tamarta Afrika oo ay ka qeyb galeen madaxda Qaaradda Afrika ayaa maanta laga soo saaray “Bayaanka Daaru-Salaam”, kaas oo ah ballanqaad lagu xaqiijinayo in 300 oo Milyan oo Afrikaan ah ay helaan Koronto ku filan marka la gaaro sanadka 2030.
HBN ONLINE TV