Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay wax ka bedelka dastuurka kaasoo wajahaya mucaraad xooggan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saxiixay wax-ka-beddelka rasmiga ah ee afarta cutub ee dastuurka, kaddib markii Sabtidii lasoo dhaafay ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Madaxweyne Maxamuud ayaa ku n9uux nuuxsaday in dhameystirka Dastuurka uu saldhig u yahay dimoqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, xoojinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda oo tayo leh.

Munaasabadda lagu saxiixay Dastuurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka.

Guddiga dib u eegista dastuurka ayaa sheegay in 7,470 muwaadiniin Soomaaliyeed ah ay ka dhiibteen aragtidooda iyo talooyinka wax ka bedelka cusub, halka 213,838 muwaadiniin Soomaaliyeed ay dib u eegis ku sameeyeen dastuurka.

Si kastaba ha ahaatee, Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay ka laabteen Aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku sababeeyay wax ka bedelka Dastuurka oo ay ku tilmaameen mid xad-gudub ku ah Axdigii Federaalka ee taariikhda dalka ku midoobay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed