Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hugaaminayo ayaa barqanimadii maanta booqasho shaqo aan la sii shaacin waxa uu ku tagay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Eritrea.
Waxaa ay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay markii hore ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara, iyada oo si meeqaam sare ah uu u soo dhaweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki, loona sii galbiyey xarunta madaxtooyada ee dalkaasi loo arimiyo.
Xukuumadda Asma ayaa intaa ku dartay in Labada Madaxweyne ay kulankooda habeen dambe kaga wada hadli doonaan, xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo badan oo muhiim u ah labada dal.
Dowladda Soomaaliya wax faah faahin ah kama bixin socdaalka Madxweynaha soomaaliya, lagumana daabicin warbaahinta dowladda iyo tan madaxtoiyada. Sida oo kale lama sheegin u jeedka Madaxweyne Xasan Sheekh uu u tagay Wadanka Eritrea.
HBN ONLE TV

