Madaxweynaha Soomaaliya oo masuuliyiin ka socda UK kala hadlay dagaalka Alshabaab 

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay kulan aqalka dalka looga taliyo ku dhexmaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska, ayna hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika, Marwo Jenny Chapman ayaa sheegtay in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay sida la sheegay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dowlad-dhiska, sugidda amniga iyo horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ingiriiska uga mahadceliyey sida lagu xusay war saxaafadeedka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Jenny Chapman ayaa sheegtay in dowladdeeda Ingiriisku ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed