Madaxweynaha Soomaaliya oo maamusay Cumar Cartan oo noqday garsooraha ugu wanaagsan Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee sanadka 2025, Cumar Cabdulqaadir Cartan. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay guusha uu u soo hoyay dalka, isagoo sheegay in abaal-marintani ay ka dhalatay howl adag iyo dedaal muuqda oo Cartan uu ku muujiyay garsoorka kubadda cagta.

Garsoore Cartan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhiirrigeliyay in uu sii adkeeyo shaqadiisa, isla markaana uu sii kordhiyo dadaalka uu ugu jiro in uu Soomaaliya ku matalo heerarka caalamiga ah.

Kulanka waxaa Garsoore Cartan ku wehliyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhawaan waxaa abaalmariyay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), oo guddoonsiiyay billadda Garsooraha ugu wanaagsan ee sanadka 2025, kadib markii uu si heer sare ah u maamulay kulamadii loo xilsaaray.

Cartan ayaa sheegay in maamuuska uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya uu u noqonayo dhiirrigelin uu ku sii wado dadaalkiisa garsooreed.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed