Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu safar ku tago Qaahira

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro caasimadda Masar ee Qaahira, halkaas waxa uu kula kulmi doono dhiggiisa Cabdifitaax Al-Siisi si ay uga wadahadlaan xaaladda labada Dal, Xiriirka & arrimo kale gobolka quseeya.

Ilo diblomaasiyadeeda ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dalka Switzerland uu isla maanta u gudbayo Magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Waxaa indhaha lagu hayaa waxyaabaha ay diiradda saari doonnaan Madaxweyne Xasan Sheekh & Cabdifitaax Siisi, halka uu miiska saaran yahay howlgalka ciidanka AUSSOM oo Masaarida door ka qaadanayso ee heshiiskii iskaashiga Amniga iyo qodobo kale.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dhamaadka todobaadkan uu uu madaxweyne Xasan uu safar ku tagi doono magaalada Qaahira, isaga oo kulamo wadahadalo labada dowladood u socday halkoodii laga sii wadi doono.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan socdaal ku tagay Addis Ababa ayaa is faham hoos loogu dhigayo xiisaddii Itoobiya iyo Soomaaliya la gaaray Abiy Ahmed, waxaana Xukuumadda Qaahira oo xurguf kala dhaxeyso ay xoogga saartay cilaaqaadka ay la wadaagto Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed