Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Dar es Salaam kula kulmay Madaxweynaha Tanzania, iyagoo ka wada hadlay arrimo khuseeya labada dal.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aways Jaamac oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in labada Madaxweyne ay kala saxiixi doonaan heshiis muhiim ah oo ay u siman yihiin labada dhinac.
Aweys oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Tanzania ayaa sheegay in si wanaagsan loo soo dhaweeyay, isla markaana uu ka qeyb galay kulamo gaar gaar ah.
Booqashada Madaxweyne Maxamuud ayaa ku soo aadeysa xilli Tanzania ay sidoo kale la tacaaleyso caqabado badan oo ay ka mid yihiin fatahaado saameeyay qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi. Inkasta oo ay jiraan caqabado badan oo soo food saaray labada dal, haddana xiriirirka xooggani waxa uu muujinayaa midnimada ay u leedahay in si wada jir ah loo wajaho caqabadahaas.
Tanzania iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir xooggan oo ku saleysan horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale, gaar ahaan marka la eego qaab dhismeedka Bulshada Bariga Afrika. Labada dowladood ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay wanaajinta xiriirka labada dal, iyadoo Tanzania ay taageereyso madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
HBN NEWS DESK