Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Kismaayo, si uu kulan muhiim ah ula yeesho Madaxweynaha Jubbaland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubbaland, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, oo loo yaqaan Axmed Madoobe, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah u ay xaqiijiyeen HBN Online TV.

Booqashadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay xalinta khilaafkii dhawaan soo baxay kadib markii Jubbaland ay ka baxday shirarkii Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC). Xiisadda ayaa sii xoogeysatay markii doorasho ka dhacday Kismaayo dib loogu doortay Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland doorasho ay dowladda Federaalka ku tilmaantay “sharci darro.”

Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu safarka ku tago Kismaayo kaddib soo laabashada Axmed Madoobe oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa casimadda Kenya ee Nairobi.
Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, kulankani wuxuu daba socdaa dhexdhexaadin ay ku lug lahaayeen diblomaasiyiin caalami ah iyo dalal gobolka ah.

Kulanka markii hore lagu balansanaa inuu ka dhaco Nairobi ayaa dib loogu wareejiyay Kismaayo, arrin lagu tilmaamay kalsooni abuuris, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh la sheegay inuu adkeeyay in heshiisku ka dhaco gudaha Soomaaliya. Masuuliyiinta Jubbaland weli kama aysan hadlin arrintan.

Labada dhinac midkoodna faahfaahin kama bixin cidda hindistay ama fududeysay kulanka, hase yeeshee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan xaqiijiyay in wadahadal ula socdo Jubbaland.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in dhinac saddexaad gaar ahaan dowladaha xiriirka la leh Muqdisho iyo Jubbaland ay hoggaaminayaan geeddi-socodkan. Waxaa la filayaa in tanaasulaadyo la sameeyo, inkastoo faahfaahinta heshiis kasta weli aan la caddeyn.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed