Madaxweynaha Soomaaliya oo madal caalami ah ku soo hadal qaaday damac Itoobiya ee biyaha Badda Cas isla markaana dhalliilay tallaabada Adis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku gacan seyray, meeshana kaa saray sheegashada ah inay xalaaleynayaan hishiiska lagu tilmaamay xadgudubka ay Dowladda Itoobiya ka wado Badda Cas ee Somaliland.

Madaxweyne Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Madasha Diblomaasiyadeed ee lagu qabtay Magaalada Antalya ee dalka Turkiga , ayaa dhaliilay tallaabooyinka hal dhinac ah ee Dowladda Itoobiya, isagoo caddeeyay in ay wiiqinaayaan dadaallada caalamiga ah ee lagu xasilinayo waddooyinka muhiimka ah oo ay ku jirto Badda Cas.

Soomaaliya ayaa ku eedaysay Itoobiya in ay ku xad-gudbi doonto madax-banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed ee heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la saxeexatay  Somaliland 1-dii January.

Sida ku cad heshiiska badda, Somaliland waxay ogolaatay inay 20 kilomitir (12.4 miles) oo xeebteeda ah ka kirayso Itoobiya muddo 50 sano ah. Itoobiya waxay doonaysaa inay saldhig ciidan ka samaysato xeebaha iyo deked ganacsi. Taas bedelkeeda, Somaliland waxay ku andacoonaysaa in Itoobiya ay siisay aqoonsi rasmi ah, inkastoo Addis Ababa aysan xaqiijin hadalkaas.

Madaxweyne Xasan  ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay sii wadi doonto xoreynta deegaanada ay maamulaan kooxaha la soo horjeedo dowladda , ayna barbar socon doonto qorshayaal kale oo ay ka mid yihiin xoojinta dowladda iyo doorka Soomaaliya ee gobolka.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed