Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay laba kulan oo la xiriira geeddi-socodka wadatashiga siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo dhici doona toddobaadka dhexe ee bishan Juun 2025.
Kulanka koowaad ayaa la qorsheeyay inuu qabsoomo Axadda 15-ka bishaan Juun, waxaana loogu talagalay inuu isugu keeno madaxweynayaashii hore ee dalka, ra’iisul wasaareyaal hore iyo guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka. Ujeeddada kulankani waa in lagu dhegeysto sida la tilmaamay aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha masiiriga ah sida dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka.
Kulanka labaad ayaa dhici doona Axadda xigta 22-ka Juun, waxaana la filayaa in uu noqdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay ka qeybgalayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada. Kulankan ayaa lagu gorfeyn doonaa talooyinka iyo fikradaha ka soo baxay kulanka madaxda hore si loo gaaro go’aamo rasmi ah.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada, natiijooyinka iyo go’aamada ka soo baxa shirarkaasi waxaa loo gudbin doonaa Baarlamaanka Federaalka, si loo qaado tallaabo sharciyeed haddii loo baahdo wax-ka-beddel sharci ama qodobo dastuuri ah.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama xaqiijin ka qeybgalka madaxda Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo si cad uga hor yimid sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u maareeyay hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka. Labada maamul ayaa horay u sheegay in aysan ka qeyb gali doonin kulamo aysana u muuqan wada-tashi dhab ah iyo heshiis siyaasadeed.
Wadahadallada socda ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, lagu mideeyo aragtida hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed, isla markaana loo xaqiijiyo geeddi-socod dimoqraadi ah oo hufan oo loo dhan yahay.
Xubnaha Mucaaradka ah oo horay uga hadlay go’aanka shirka lagu casuumay ayaa shuruud ka dhigay in loo baahan yahay ka hor inta la soo xaadirin in loo soo bandhigo ajendayaasha iyo qodobada diiradda la saari doono.
Xubnaha Beesha caalamka ayaa ku booriyey madaxda Soomaaliya iyo mucaaradka ah inay si mug leh kaga xaajoodaan arimaha masiiriga ah ee dalkooda, si loo soo afjaro khilaafka aan wax dhiseyn.
Dhankooda, Ururada bulshada Rayidka ayaa ku booriyey xubnaha Mucaaradka ah in aanay ka maqnaan gogosha 15-ka Juun si xal waaara looga gaaro khilaafka iyaga iyo dowladda ka dhexeeya, inkasta oo aanay dhinacyadu wax jawaab u ah soo saarin.
HBN ONLINE TV