Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa maanta kaga qaybgalaya magaalada Riyaad shirka Waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka ee ka furmaya Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeedin doonna khudbad uu uga hadlayo go’aanka dowladda Soomaaliya ee la xiriira sida gargaar loo gaarsiin karo dadka ku dhibaateysan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin & xal u helista xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.
Villa Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay safarka iyo khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa sheegtay in uu si qoto dheer uga xog-warrami doonno garab istaagga Walaalaha Falastiin ee la dulmiyay iyo doorka uga banaan Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa horay u cadeysay Mowqifkeeda ee duullaanka Israa’iil ay ku qaadday Falastiin, iyada oo cambaareysay xasuuqa ka dhanka ah ee Shacabkaas, waxaana kulamo kala duwan oo looga hadlay xaaladdooda ay ka jeedisay hadallada ay ku difaacayso.
HBN ONLINE TV