Madaxweynaha Soomaaliya oo khubad dhinac badan ah ka jeediyey shirka QM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey fadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (QM), isagoo ka hadlay arimo badan oo ay ugu horeyaan Amniga & dagaalka ka dhanka waxa loogu yeero argagixisada, Dhaqaalaha iyo Arrimaha dibadda.

Madaxweyne Xasan Shekh ayaa marka hore ka hadlay Amniga & dagaalka kooxaha loogu yeero argagixisada. Wuxuu xoogga saaray sugidda amniga iyo guulaha ciidanka qaranka & shacabka, wuxuuna si aad ah u sheegay in wax badan is bedel laga sameeyey dagaalka lagula Daacish iyo Alshabaab.

Shirka ayuu ka sheegay in Soomaaliya u socoto doorasho qof iyo cod ah markii ugu horreysay 57 sano kadib, iyadoo diiwaangelintu socoto, wuxuuna so hadal qaaday arimaha Dowladdu xoojineyso sida dakhliga gudaha, hufnaanta maaliyadda iyo fursadaha ganacsi.

Ugu dambeyn Madaxweynaha wuxuu ka hadlay xasilloonida gobolka, taageerada xuquuqda Falastiin, iskaashiga caalamiga ah iyo halista isbeddelka cimilada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed