Madaxweynaha Soomaaliya oo Ururrada Bulshada Rayidka dalka kala hadlay dagaalka Alshabaab
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Dalladaha Ururrada Bulshada Rayidka, isaga oo kala hadlay dagalka Alshabaab iyo doorashada qof iyo cod.
Madaxweyne Xasan ayaa xubnaha kulanka ka qeyb galay waxaa Villa Soomaliya sheegtay in uu ka dhageystay aragtidooda iyo talooyinkooda la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta iyo amniga.
Madaxweynaha ayaa ururrada la wadaagay warbixin guud oo ku aaddan xaaladda dalka, soo celinta maqaamka fagaarayaasha caalaamka ee Soomaaliya, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisida iyo diyaargarowga ballaaran ee loogu jiro hirgelinta doorashooyinka tooska ah.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in dowladda uu huggaamiyo ay go’an tahay ka miro dhalinta sida hadalka loo dhigay himillada shacabka Soomaaliyeed ee la xiriirta qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan.
Dhanka kale, Xubnaha Bulshada Rayidka ayaa madaxtooyadu carrabowday inay bogaadiyay horumarka laga gaaray ka muuqashada fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamka iyo ciribtirka Alshabaab, iyaga oo ballanqaaday in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan wacyigelinta bulshada iyo dowlad dhiska.
HBN ONLINE TV