Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal dhanka taleefaka ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimo xasaasi ah oo kala duwan, oo khuseya gobolka iyo kuwa kale.
Xasan iyo Blinken oo diirada saaray danaha Geeska Afrika ee la wadaago, oo ay ku jiraan baahida loo qabo in la yareeyo xiisadaha gobolka, in diiradda la saaro ujeedooyinka la dagaalanka argagixisada, iyo dhameystirka qorshaha is beddelka howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).
Waxay kaloo ka wadahadleen doorka muhiimka ah ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, qoraalkan ku shaacisay barta X.
Warkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xiisad culus oo dhanka ah gobolka ah ay taagan tahay, taasoo u dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya, khilaafkan ayaa ka dashay hishiiskii horraantii sanadkaan ay wada galeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale waxuu ku soo beegmeyaa xilli lagu wado Soomaaliya in ay ka baxaan ciidamada Midaga Afrika ee ATMIS.
HBN NEWS DESK