Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo tagay furimaha dagaalka ee Galmudug si ay u dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah Al shabaab

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qeyb ay ka yihiin madaxweynaha Galmudug, xildhibaano, wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa magaalooyinka Xaradheere Ceeldheer iyo deegaanno kale oo ay ku sugan yihiin ciidamada isku dhafka ah ee furimaha hore daagaalka ee maamulka Galmudug.

Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa socdaalkiisa  ku sheegay dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, ee sida adag uga soconaaya deegaanada maamulka Galmudug iyo sidii loo xoojin lahaa, loona sii wadi lahaa.

Safarka Madaxweynaha oo ay ku wehliyaan mas’uuliyiin iyo saraakiisha ciidamada  ayaa la macno ah in si weyn diiradda loogu saari doono howlgallada dalka looga saarayo kooxdaasi, markii ay hakad galaan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil kale  ayaa Wafdiga Madaxweynaha kaga horreyay deegaannada iyo Gogoobihii laga saaray dagaalyahannada Al shabaab.

Xasan Sheekh ayaa jeediyay hadalo ka dhan ah Al shabaab iyo sidii looga cirib tiri lahaa  guud ahaan dalka, saraakiisha ayuu kula dardaarmay in looga baahan yahay ka dhabeynta sifeeynta maleeshiyaadka Al shabaab

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed