Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneral Dagvin Anderson, oo uu wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sida la tilmaamay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaalanka argagixisada, iyo dadaallada xasilloonida gudaha.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay AFRICOM doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato dib-u-habaynta amniga Soomaaliya, isaga oo mar kale xaqiijiyay go’aan qaadashada Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xasilloonida gobolka iyada oo lala shaqeynayo saaxiibada caalamiga ah.
Sidoo kale, Sawir lagu baahiyey barta rasmiga ah ee AFRICOM ee X (Twitter) ayaa muujinaya Madaxweyne Xasan Sheekh, Taliye Anderson, Safiirka Maraykanka, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Odowaa Yuusuf iyo madax kale oo wada fadhiya.
Dhanka kale, Taliyaha AFRICOM ayaa si gaar ah kulan ula yeeshay hoggaanka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo diiradda la saaray xoojinta iskaashiga Mareykanka iyo Midowga Afrika ee la dagaalanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
AFRICOM ayaa sheegtay in kulankan uu ka mid yahay silsilad kulamo ah oo uu Jeneral Anderson bilaabay tan iyo markii xilka loo magacaabay, kuwaas oo uu kula falanqeynayo madaxda dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya la dagaallanka argagixisada qaaradda Afrika, taas oo tobannaan sano dhibaato ku haysay dalal badan, laguna sheegay inay sababtay dhimashada kumannaan qof.
HBN ONLINE TV