Madaxweynaha Somaliland oo war ka soo saartay dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay deegaanka Dacawaley

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay iska kaashanayaan sidii loo joojin lahaa colaadda ka aloosan deegaanka Dacawalay ee Ismaamulka Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in colaadda si nabad ah lagu dhammeeyo, isagoo xusay in dhinacyada ay wadaan wada-hadallo lagu soo afjarayo xiisadda.

“Meel fiican ayay marayaan dadaalladii arrinta lagu soo afjarayay iyo wada-hadalladii ka dhexeeyay Somaliland, Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Sida oo kale waxaa uu intaa ku daray “Waan ka xumahay dhibaatada dhacday, waajibka ugu weyn ee maanta ina saarani waa in aan nabadda soo celino.”

Saraakiil sarsare oo ka socda Somaliland iyo Itoobiya, oo dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Jigjiga, ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah oo lagu joojinayo colaadda, iyo in lagu dhammeeyo xasaradda si nabadgelyo iyo wada-xaajood ah.

Colaadda Dacawalay oo ka kacday muran dhuleed oo u dhexeeya laba beelood oo deegaanka wada dega ayaa markii dambe ciidamada Liyu-ga ee Deegaanka Soomaalida ay dad rayid ah ku laayeen deegaanka, ka dib howlgal ay ku sheegeen in ay kula dagaalamayeen maleeshiyaad hubaysan.

Somaliland ayaa tallaabada ciidamada Liyu-ga ku tilmaantay ‘xasuuq’, iyada oo dhanka maamulka Soomaalida ku eedeysay in dhacdadaasi ay ka dambeeyeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed