Madaxweynaha Somaliland oo si kulul uga hadlay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee SSC-Khaatumo

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay socdaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ku marayo deegaannada SSC-Khaatumo.

Madaxweyne Cirro ayaa safarkaasi ku tilmaamay mid masuuliyad darro ka muuqato, isaga oo si cad u sheegay in Somaliland aysan aqbalaynin faragelin noocaas ah, isna difaaci doonto.

Cirro ayaa shaaciyey in wixii khasaare ah ee ka dhasha socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ay mas’uuliyaddiisa qaadi doonaan cidda soo dirtay, isaga oo ku sifeeyay socdaalkaas mid “Ismaqiiq ah” oo aan la jaanqaadayn xaalada siyaasadeed ee gobolka.

“Safarka masuuliyad darradu ka muuqato ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku yimid qaybo ka mid ah Somaliland, wixii khasaare ah ee ka yimaadda waxaa qaadi doonta ciddii soo dirtay,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in Somaliland ay tahay sida uu hadalka u dhigay dal leh xuduud cad iyo aqoonsi siyaasadeed oo aan ka laaban, isagoo mar kale ku celiyay in gooni-isu-taagga Somaliland ay tahay mid aan laga gorgortami karin.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku sugan yahay deegaannada SSC-Khaatumo, halkaas oo uu kula kulmayay masuuliyiin iyo bulshada rayidka ah, iyada oo socdaalkiisana lagu tilmaamay mid la xiriira taageeridda maamulka deegaanka, Nabadda iyo arrimaha amniga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed