Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa safarkiisii ugu horreeyey ee dibedda ah ugu baxay dalka Imaaraad Carabta ka dib markii uu casuumaad ka helay dowladdaasi.
Diyaarad khaas ah oo ka qaaday Madaxweyne Cirro magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa inay ka dejiso Caasimadda Imaaraadka ee Dubia.
Safarka Cirro waxaa ku wehelinaaya Wasiirka Arimaha dibada , Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha , Taliyaha Sirdoonka , La-Taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arimaha Dhaqaalaha , Madaxa xafiiska madaxweynaha iyo Howl wadeeno kale.
Inta uu ku sugan yahay dalka Boqortooyada imaaraadka Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu wadaa in kulamo dhinacyo badan looga hadlayo uu la yeesho Madaxda dalkaasi, isagoo Imaaraadku ka mid yahay daneeyaasha siyaasaddda gudaha ee Soomaalida.
Madaxtooyada Somaliland oo warkooban ka soo saartay safarka Madaxweyanaha ayaa sheegtay in uu duulay dalka Imaaraadka, isagoo diyaarad khaas ah ay Xukuumadda Dubia ay u soo dirtay.
“Dawladda Imaaradka Carabta oo diyaarad khaas ah u soo dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti uu hogaaminaayo oo dalkaas ugu baxay booqasho rasmi ah” ayaa lagu yiri warka madaxtooyada Somaliland.
Sidoo kale safarkan ayaa ah kii ugu horeeyey tan iyo intii uu xilka qabtay Madaxweyne Cirro.
HBN ONLINE TV