Madaxweynaha Somaliland oo ka la hadlay arrimaha xariira Al shabaab ee Soomaaliya hishiiskii Itoobiya iyo arrimo kale oo xasaasi ah

Xukuumadda  Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah u dabaaldegay sannad-guurada 33-aad ee ka soo wareegtay gooni-isu-taaggeedii, iyadoo munaasibado si heersare ah loo soo agaasimay ay ka dhaceen guud ahaan gobollada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, masuuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah, iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ka qayb-galay xuska 18-ka May oo maanta si weyn looga xusay magaalada Hargeysa. Bixii ayaa jeediyay khubad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay isla markaana kaga hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ah.

Wuxuu ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo dagaalka Shabaab, Muuse Biixi ayaa ku nuux nuuxsaday  in Soomaaliya aysan xilligan lahayn awood buuxda oo ay ku hanan karto amnigeeda, kulana dagaalami karto Al shabab, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa carabka ku dhuftay, haddii ay ciidanka Itoobiya baxaan ay Al-Shabaab saacado gudahood ku qabsan karaan magaalada Muqdisho, sida uu ku sheegay hadalkiisa.

Dhanka kale Madaxweyne Biixi oo ka hadlay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay dhawaan wada gaareen ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan joojin karin heshiiska Badda Cas, dhawaanna la dhaqan gelin doono. Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay marin habaabisay caalamka, isla markaana ay heshiiska ka dhigtay mid halis ah.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii January kala saxiixatay heshiis is-afgarad ah oo lagu kireynayo 20 Km (12 mayl) oo ka mid ah xeebaha Somaliland. Heshiiskan ayaa dhigaya in dhulka xeebta ah  gacanka cadmeed ay Itoobiya u isticmaali doonto muddo 50 sano ah arrimo ciidan iyo ganacsi.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay midnimada iyo wadajirka xuska sannad-guurada 33-aad ee Somaliland.

In kasta oo ay Somaliland u shaqaynayso sidii dawlad rasmi ah oo leh baasabooro iyo dastuur u gaar ah, haddana Somaliland weli ma aqoonsan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalal badan oo uu Maraykanku ka mid yahay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed