Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si weyn uga hadlay xaaladda abaareed ee ka taagan gobolka Awdal, taas oo si ba’an u saameysay nolosha dadka iyo duunyada deegaanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dad iyo xoolo badan ay ku dhinteen abaarta daran ee ka jirta gobolka, isaga oo ku baaqay in si degdeg ah gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka ku tabaaloobay abaarta. Wuxuu xusay in loo baahan yahay in ganacsatada iyo dadka hantida haysta ay garab istaagaan walaalahooda xaaladda adag ku sugan.
Madaxweyne Cirro oo kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay isku duubnida bulshada, si loo yareeyo saameynta abaarta.
Intii uu khudbaddiisa jeedinayay, Madaxweynaha ayuu u mahaceliyay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabbuuti, kuwaas oo sida uu sheegay soo gaarsiiyay deeqdii ugu horreysay ee gargaar ah, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu badbaadinayo dadka iyo duunyada ay abaartu halakeysay.
“Abaarta gobolka Awdal dad iyo xoolo ayaa ku dhintay. Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha Jabbuuti oo deeqdii u horreysay ina soo gaarsiiyay,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Ugu dambeyn, wuxuu shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa Somaliland ugu baaqay in ay iska kaashadaan ka hortagga iyo ka jawaabidda musiibooyinka dabiiciga ah, isaga oo xusay in taakulaynta la isugu tago ay tahay waajib diini ah iyo mid dadnimo.
HBN ONLINE TV