Madaxweynaha Somaliland oo hadal cusub ka soo saaray hishiiskii uu la galay Itoobiya isla markaana sheegay in aqoonsi caalami ah ay ku heli doonaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa wargeyska Financial Times u sheegay in heshiiska Itoobiya uu “u ogolaanayo Somaliland inay taageerto dedaallada caalamiga ah ee lagu sugayo xorriyadda socdaalka ee gacanka Cadmeed iyo Badda Cas”, halkaas oo maraakiibta ay la kulmeen weeraro isdaba joog ah oo kaga imanaya Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran.

“Itoobiya waxay dhisan doontaa saldhig ciidan oo badda ah waxayna yeelan doontaa maraakiib ganacsi, beddelkeedana Itoobiya waxay na siin doontaa aqoonsi – taasi waa aasaaska,” ayuu yiri Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo uu ku xaqiijinayo riyada Xukuumadiisa ee ah in ay noqoto dal madax bananan sida uu sheegay. “Heshiiska taariikhiga ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxa uu ina siinayaa dariiq cad oo aynu ku heli karno aqoonsi caalami ah”ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.
Itoobiya ayaa raadinaysay inay gasho xeebta tan iyo 1993 markaas oo ay ka go’day Eritrea Itoobiya inteeda kale oo aan bad lahayn. Waxay u aragtaa heshiiska Somaliland mid muhiim ah maaddaama ay dhumin karto ku tiirsanaanta Jabuuti ee badda.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo ku howlan wada-hadallada Somaliland ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in heshiis kama dambeys ah la gaaro. Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeye sare oo ka faallooda dhibaatooyinka Bariga Afrika, ayaa sheegay in inkasta oo heshiiska uu abuuray “dib u dhac weyn”, haddana Itoobiya ma doonayso inay “si buuxda u quusato”sidaas waxaa uu u sheegay wargeyska Financial Times.

Inkasta oo Somaliland iyo Itoobiya ay dhawr jeer sheegeen in heshiisku uu gobolka u horseedi doono is dhexgal dhaqaale, balsee dowlada Soomaaliya ayaa si wayn uga soo horjeedsatay, sidoo kale ururo caalami ah ayaa ku tilmaamay mid baalmarsan qaanuunka caalamiga ah

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed