Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ka jeediyey gobollo kala duwan khubaddii ugu dambeysay ee olalaha doorashada

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo boqolaal taageerayaasha xisbigiisa ah kula hadlay magaalooyinka Boorama, Gabiley iyo deegaanno ka tirsan ayaa khudbado uu u jeediyey waxaa uu kaga dalbaday in codkooda ay siiyaan maalinta codbixinta.

Waxaa uu sheegay in wax wadayeelashada siyaasadda ay tahay in dib ay awoodda loogu celiyo shacabkii soo doortay.

Khubadda madaxweyne Biixi oo ku soo aaday maalintii labaad ee olalaha xisbiga Kulmiye, dhankoodane ugu dambeysay ayaa waxaa intii ku jiray uu ku faanay in wax weyn ay ka qabteen hormarka gobolka Awdal, isaga oo ka codsaday in codkooda siiyaan.

“Anigoo madaxweyanaha ah ayaa idin leh qaranka ayey danta u tahay in uu soo baxo xisbi ka soo jeeda Awdal maanta, qurbaha jooga ama Hargeysa joog, waa fariin Awdal oo dhan iiga socota, markaa waajibkaa gudataane inaga iyo Saajina codka ina siiya” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Sida oo kale waxaa uu dhaliil xooggan u jeediyey in odayaasha dhaqanka la weydiisto codadka, iyada oo bedelkeeda la heli karo Xisbi.

Xisbiga madaxweyne Muuse Biixi, oo lumiyey tan iyo September xubno muhiim ah ayaa wajahaya hadda muraacaddo aad u adag oo kaga imaanaya xisbiyada loolanka adag uu kala dhexeeyo.

Ololaha doorashada Somaliland oo heer gabogabo ah maraysa ayaa waxaa qorshuhu yahay in la soo afjaro 10-ka bishaan oo ah seddex maalin ka hor maalinta cod bixinta.

Dadka siyaasadda deegaannada Somaliland la socda ayaa qaba in xisbiga Kulmiye uu ka bixi karo meesha ka dib cadaadisyo iyo xarig ay kala kala kulmiyeen dhinacyada siyaasadda kula hardamaya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed