Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Deni oo horayba ka galay howlihiisa uu u tagay ayaa la kulmay qaar kamid ah odayasha gobolka, isaga oo sidoo kale xarigga ka jari doona mashaariic maamulka ka hirgaliyey Badhan oo horumarineed.
Inta uu joogo Badhan, Madaxweyne oo ay ku wehliyaan qaar ka mid ah wasiirrada Puntland ayaa tababar u soo xiri doona cutub ka mid ah ciidamada difaaca maamulkaasi.
Qoraal kooban oo lagu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee bulshada ayuu Madaxweyne Deni ku yiri: “Badhan, waxaan booqasho ugu tagnay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire, waxaan halkan kusoo gaarnay safar shaqo oo kooban, anaga oo uga mahadcelinayna masuuliyiinta iyo bulshada Gobolka Sanaag sida wanaagsan ee ay noo soo dhoweeyeen.”
Waxaa sidoo kale, lagu wadaa inuu jeediyo khudbad uu kaga hadli doona xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan gobolka, iyada oo 25-kii bishaan Abriil ay rabshado ka dheceen Badhan, una dhexeeyey banaanbaxayaal caraysan iyo ciidamo la sheegay inay ka tirsan kuwa Puntland.
Safarka Deni ee Badhan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey, tan iyo markii xilka dib loogu doortay sannadkii 2024-kii.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

