Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo Wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, iyo arrimaha Puntland, sida Dimuqraadiyadda Puntland, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac, sida ay sheegtay warbaahinta maamulka Puntland.
Ilo xog ogaal ah oo galaangal ku leh kulankaas ayaa HBN TV u sheegay in kulanka diirada lagu saaray khilaafka u dhexeeyay Saciid Deni iyo Xasan Sheekh kaasoo aad u xumaa muddooyinkii dambe, Safiirka UK ayaa Puntland u sheegay in loo baahan yahay wadahadal lagu dhammeeyo mad-madowga u dhexeeya labada dhinac.
Kulankan ayaa ku soo beegmay, iyada oo Puntland ay xiriirka u jartay dowladda dhexe isla markaana sheegtay in aysan “aqoonsaneyn”, una dhaqmi doonto si “madaxbannaan”.
HBN NEWS DESK