Madaxweynaha Masar Cabdilfitaax Alsiisi ayaa maanta ku wajahan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eretariya, xilli halkaasi uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Qoraal kooban oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Masar ayuu ku sheegay in Madaxweynaha Masar uu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Eretariya, Isaias Afwerki.
Warka ayuu intaasi ku daray Afhayeenka in Madaxweyne Cabdilfitaax uu ka qeyb gali doono kulamo looga hadlayo xasiloonida, amniga Badda Cas iyo Afrika.
“Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta ku wajahan magaalada Asmara, isagoo ka jawaabaya casuumaad uu ka helay walaalkii, madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, si loo xoojiyo xasilloonida iyo amniga Afrika iyo Badda Cas, laguna taageero geeddi-socodka horumarka, laguna gaaro danaha shucuubta gobolka.” Ayaa lagu yiri Qoraalka madaxtooyada.
Safarka Madaxweynaha Masar ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh uu sida oo kale ku sugan yahay Asmara, halkaas oo la filayo in ay ka dhacaan wada hadalo saddex geesood ah. Masar iyo Eritrea ayaa ka mid ah dowladaha garab istaaga u muujiyay Soomaaliya tan iyo markii Itoobiya heshiis dhinaca badda la saxiixatay Somaliland.
HBN ONLINE TV

