Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhexeeyay.
Kulankooda gaarka ah ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana dhexdhexaadinta ka qeyb qaatay siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda deegaanka Koonfur Galbeed, kuwaas oo muddo ku howllanaa sidii xal nabadeed loogu dhammayn lahaa kala aragtida siyaasadeed ee labada dhinac.
Warar kooban oo lagu daabacay bogagga rasmiga ah ee labada masuul ayaa lagu xaqiijiyay in kulanka lagu xaliyay kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed, isla markaana lagu heshiiyay in si mideysan looga shaqeeyo nabadda, horumarka iyo midnimada Koonfur Galbeed.
“Waxaan maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay walaalkayga Guddoomiye Maxamed Mursal, waxaana ka heshiinnay kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed, anagoo isku raacnay midnimo, wadajir iyo horumar Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya inaan ka shaqeyno,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Dhankiisa, Maxamed Mursal ayaa isna sheegay in heshiiskan uu yahay bog cusub oo lagu dhisayo wada-shaqeyn iyo kalsooni siyaasadeed.
“Waxaan ka heshiinnay in aan meesha ka saarno kala aragti duwanaanshihii naga dhexeeyay, anagoo si mideysan uga shaqayn doona midnimada, wadajirka iyo horumarka dalka iyo Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Mursal.
Heshiiskan ayaa yimid iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay socdeen dadaallo hoose oo ay hormuud u ahaayeen siyaasiin iyo odayaal deegaankaas ka soo jeeda, kuwaas oo ku guuleystay inay soo afjaraan khilaafkii siyaasadeed ee muddo dheer saameeyay labada dhinac.
HBN ONLINE TV

