Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hadlayay magaalada Baydhabo maanta ayaa sheegay in uu xildhibaanadii dhawaan Ka hadlay arimaha Itoobiya uu la dareenyahay, uuna ku waafaqsan yahay hadalkii ay ku sheegeen in dagaal la soo xawilay aysan deegaanadoodu qaadi karin.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo boqolaal shacab iyo masuuliyiin isugu jira ugu qudbeeyey magaalada Baydhabo maanta ayaa sheegay waa sida hadalka uu u dhigay’e in nasiib darro ay tahay hadalada ka imaanaya magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in ay wiiqi karaan nidaamka dalka ku heshiiyey ee Federaalka ah.
Laftagareen ayaa carrabka ku dhuftay in uu ku aragti yahay shacabka deegaannada Xudur iyo Waajid ee gobolka Bakool, kuwaa oo soo banaanbaxyo ay taageero ugu muujiyeen joogitaanka Ciidamada Itoobiya ku qabtay labadaasi magaalo.
“25-ka Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-kii SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, Xildhibaanada xasaannada annaga ayaa siinnay qabiil kale idinkama qaadi karo” ayuu yiri Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Arintaan ayaa abuurtay buuq sabaabay in khilaaf uu soo kala dhexgalo baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo dhowrkii kulan ee uu lahaa u baaqdeeen, sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Aadan Madoobe, waxaana uu shegay in la xaliyey wixii jiray.
Ciidamada Itoobiya ayaa ka howlgala deegaanno ku yaal dhulka xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto sida Bakool, Gedo iyo Hiiraan.
HBN ONLINE TV

