Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha maamulka Koonfur ayaa magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Afrika ufadhiya Soomaaliya Souef Mohamed El-Amine
Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Souef Mohamed ayaa kulankooda diiradda waxaa lagu saaray Amniga Guud deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee ATMIS.
Wasiirka Amniga dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo warbaahinta la hadlay shirka ka dib ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa howlaha amniga, iyo sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen ATMIS iyo laamaha amniga Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ku Wehlinayey Wasiiro, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
HBN NEWS DESK