Madaxweynaha Jubbaland oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ATMIS oo Kismaayo booqasho ku joogga

Waxaa magaalada Kismaayo saacadihii la soo dhaafaya ka qabsoomay kulamo looga hadlay dardar galinta dagaalka Alshabaab iyo howlgallada socda, kaasi oo u dhexeeyey madaxda ugu sareeya ee Jubbaland iyo taliska ATMIS.

Taliyaha Qaybta 2-aad ee ciidamada ATMIS, Jeneraal Seif Rashiid ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee deegaannada Jubbaland.

Warka ka soo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Madoobe uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado sugida amniga Jubaland, halka Jeneraal Rashid uu xaqiijiyay sida hadalka loo dhigay in ay ka go’an tahay dadaallada nabadeed ee Soomaaliya.

Sida oo kale, labada dhinac ayaa isku soo hadal qaaday howlgalka ATMIS ee muddadiisa sii dhammaaneyso iyo la wareegida ciidamada Soomaalida ee Amniga dalka, gaar ahaan kuwa Jubbaland oo deegaannadooda la baneynayo.

Dhinaca kale, Taliska ciidamada ATMIS ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulan la yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya, iyada oo laga soo wariyey kulankaasi in labada dhinac ay ka wada hadleen dagaalka Alshabaab iyo sidii loo xoojin lahaa Amniga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed