Madaxweynaha Jubbaland Axmed Sheekh Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dowladnimadii Soomaaliya ay ku socoto sida uu hadalka u dhigay jid halis ah, isagoo ku eedeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS inay burburinayaan nidaamka dowladeed, isla markaana ay awoodda ku koobeen magaalada Muqdisho. Hadalkan ayuu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga labaad, fadhigiisa koowaad, ee Baarlamaanka Jubbaland oo maanta Kismaayo ka dhacay.
Axmed Madoobe ayaa ka hadlay arrinta Somaliland, ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin inay raadsadaan gartooda, balse uu tilmaamay inay u raadiyeen si quman, ayna tahay wadada ay qaadeen mid aan habooneyn, kuna soo laabtaan Soomaalinimada.
“Somaliland waxaan leeyahay meeshaad wax ka doonateen idiin kama jiraanee ha dhumininna ee soo laabta Soomaalinnimo wax ka weyn ma jiraan” ayuu yiri Madaxaweyne Madoobe.
Sidoo kale, wuxuu ka digay jihada ay Soomaaliya ku socoto, taasi oo uu ku tilmaamay mid dhalin karto halisyo cusub, isagoo xusay in haddii aan wax laga qaban hoggaanka DFS, ay dhici karto in Jubbaland iyo Puntland ay qaataan waddooyin gaar ah oo isku tashasho ah.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka masuuliyad-darro uu sheegay in diyaarad Drone ah oo ay Soomaaliya caalamka ka heshay lagu weeraray ciidanka Jubbaland ee Raskambooni, balse arinkaasi wax weli jawaab ah kama bixin dowladdu. Wuxuu intaas ku daray in go’aannada ay DFS ka soo saartay dekedaha iyo hawada aysan wax ka beddeli karin xaqiiqada dhulka taalla, isagoo ku tilmaamay isku dayadaas kuwo fashilmay oo aan suuragal ahayn.
Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa sheegay in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uusan 20 maalmood gudahood uga jawaabin xaaladda taagan, Jubbaland ay bilaabi doonto doorasho, taasoo uusan waqtigeedu noqon doonin 15-ka May balse la qaban doono ka hor.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa adkeeyay in Jubbaland ay u taagan tahay midnnimada iyo wadajirka dalka, isagoo Somaliland ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan Soomaalinimada, islamarkaana meesha ay raadsadeen aysan waxba ka jirin.
HBN ONLINE TV

