Kulamo wadatashi ah oo uu isugu yeeray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe Xildhibaannada & Senatarrada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku metala Jubbaland ayaa xalay ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana looga hadlay khilaafka iyo xaaladda siyaasadda ee taagan.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay ka aqbaleen qaar ka mid ah Xildhibaannadan soo jeedinta ah imaatinka Kismaayo waxaan ay gaareen maalintii Khamiista, waxaana kulankooda lagu faaqidi doonaa sida aan ka soo xiganeyno ilo ka agdhow qaabka loo qaban doono doorashada maamulka uu iclaamiyey iyo qaabka loo wajahayo qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah.
Sida oo kale waxaa jira Xidlhibaano ilaa iyo haatan aan gaarin xarunta Ku meelgaarka ah ee Jubbaland oo aan la ogeyn sababta diiday in shirka kaga qeyb galaan.
Shirkan uu iclaaamiyey Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu socon doono 8-da ilaa 11-ka bishan November, waxaana la sugaa natiijada ka soo baxda iyo qodobada ay ku heshiiyaan maadama mamaulkiisu uu damacsan yahay qabashada doorashada dadban.
Madaxweyne Jubbaland oo shirkii golaha qeyb ka ahaa tan iyo 2-dii bishii hore ee Octobar ayaa isgaa baxay shan maalin ka dib markii ay labo daraf ay kala istaageen isaga iyo xubnaha qaar ee Golahaas oo ay isku qabteen daadejinta Doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweyne Axmed ayaa billaabay in uu kulamo gaar gaar ah la qaatay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ku metala Dowladda Federaalka, todobaadkii tagay waxa uu qaabilay wafdi ka yimid Nairobi si ay u dhax dhexaadiyaan Madaxweynaha DG Jubbaland & Dowladda Federaalka.
HBN ONLINE TV