Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlay ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo Amniga deegaannada ay wareejinayaan

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS looga saarayo dalka dhamaadka sanadkan. Madaxweyne Madoobe oo arrintaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay qorshahaas, waxa uuna tilmaamay in baahi weyn loo qabo in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay la wareegaan goobaha ay baneeyeen.

Madaxweyne Madoobe ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay heerka uu hadda marayo diyaar garowga dowladda iyo ciidamada Soomaaliya ee ku aaddan isbadalka amniga. Waxa uu tilmaamay in ka bixitaanka ATMIS-ta ee soo socda ay tijaabo weyn u noqon doonto sida ay dowladdu diyaarka ugu tahay inay si madaxbannaan u maamusho amniga dalka.

Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Taliska Ciidanka Daraawiishta Jubbaland lagu wareejiyay Saldhigga ATMIS ee ku yaalla deegaanka Cabdalle Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose. Wareejintan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ATMIS uu si tartiib tartiib ah ugu wareejineysay ciidamada Soomaaliya saldhigyo ay ku leeyihiin gobollo ay ka mid yihiin Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Ka bixitaanka ATMIS  ee Soomaaliya ayaa ka dhigan guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay & isku filnaansho dhanka ammaanka ah. Bixitaanka howlgalka wejigiisa seddexaad waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka si ay mas’uuliyadda buuxda u qaataan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida.

Si kastaba, waxaa diiradda la saarayaa sidii loo xaqiijin lahaa in ciidamada Soomaaliya ay si ku filan u diyaar garoobaan si ay u xalliyaan caqabadaha jira. Wareejinta mas’uuliyadda amniga ee lagu guuleystay ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xasilloonida iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Hadalka Madaxweyne Madoobe ayaa hoosta ka xarriiqay sida degdegga ah ee loo tayeynayo awoodda ciidamada Soomaaliya, xilli ciidamada ATMIS ay isku diyaarinayaan inay dalka ka baxaan dhammaadka 2024-ka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed