Madaxweynaha Jibuuti oo si cad u eedeeyey Imaaraadka “ujeeddooyinka” Milatari ee Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si kulul u weeraray Imaaraadka Carabta oo ku eedeeyay in ay u adeegsanayaan maalgashigooda ballaaran ee ay ka wadaan qaaradda Afrika si ay u qariyaan ballaarintooda istaraatiijiyad ee milatari ee gobolka.

Wareysi uu siiyay Radio France Internationale, Madaxweyne Geelle wuxuu ku sheegay in olole maalgashi oo ay Imaaraadku ku bixiyeen in ka badan $110 bilyan oo doollar uu yahay xeelad milatari oo lagu hoos qarinayo horumarin dhaqaale. “Imaaraadku waxay si weyn u wiiqayaan xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Hadalka Madaxweynaha ayaa muujinaya cabsi sii kordheysa oo ka dhex aloosan qaar ka mid ah dalalka Afrika, gaar ahaan marka la eego maalgashiyada laga sameynayo kaabayaal muhiim ah sida dekedaha, isgaadhsiinta, iyo gaadiidka – kuwaasoo loo arko inay leeyihiin ujeeddooyin laba waji leh.

“Maalgashiyadani ma aha kuwo dhaqaale oo saafi ah,” ayuu yiri Geelle, isagoo ku daray “Waxay la xariiraan yoolal milatari oo khatar ku ah madax-bannaanida iyo xasilloonida dalalka Afrika.”

Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in Jabuuti horey u diiday codsi uga yimid Imaaraadka oo ahaa in saldhig milatari laga siiyo dhulka dalkaas. Markii ay ka noqdeen arrintaas, ayuu sheegay in Imaaraadku ay u leexdeen wadamo deris la ah Jabuuti si ay uga helaan goobo istaraatiiji ah oo ku dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee marinka Badda Cas.

Jabuuti oo ah meel istiraatiiji ah oo ku taalla afka marin-biyoodka Badda Cas, waxay martigelisaa saldhigyo milatari oo ay leeyihiin quwadaha waaweyn ee caalamka sida Maraykanka, Faransiiska, Shiinaha, iyo Japan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed