Madaxweynaha Israa’iil oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Somaliland

Safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u magacowdo Israa’iil,Maxamed Xaaji, ayaa maanta oo Isniin ah waxaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Israa’iil.

Tallaabadan ayaa muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland.

Maxamed Xaaji, oo loo magacaabay xilka safiirnimo bishii Febraayo, ayaa hore uga tirsanaa la-taliyeyaasha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Magacaabistiisa ayaa timid kadib markii Israa’iil ay qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ku wajahan Somaliland.

Bishii December 2025, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland, arrintaas oo dhalisay falcelin xooggan oo caalami ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalal kale ayaa si adag uga horyimid tallaabadaas.

Sidoo kale, ururro ay ka mid yihiin Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay mid dhaawacaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed