Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay Wasiirka Amniga Hirshabeelle, Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, guddoomiyaha gegmada Jowhar iyo Saraakiisha Ciidamada, waxaana uu kala hadlay sidii loo xoreyn lahaa.deegaanada ay Al-Shabaab kaga hareen. maamulka Hirshabeelle, halkaas oo wajigii kowaad looga saaray magoolooyin iyo deegaanno istaraatiiji ah.
Saraakiisha amniga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo istaraatiijiyada ciidan ee lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka iyo hannaanka lagu wajihi karo howlgallada lagu xaqiijin karo ammaanka.
“Waa in aad kordhisaan dadaallada aad ku sugi doontaan amniga iyo ciribtirka Khawaarijta, waan idin ammaanayaa, waayo amniga ayaa ah muhiimadeyda koowaad, waxaan farayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka in ay si dhab ah u gutaan waajibaadkooda.” Ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.
Sanadkii hore ciidamada xoogga dalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa howlgalo ciidan ka dib waxa ay xoreeyeen deegaano istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Si kastaba ha ahaatee weerarka ayaa sanadkan hakad galay kadib markii ciidamada amaanka ay la kulmeen dib u dhac ku yimid howlgalladooda.
HBN NEWS DESK