Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday tuulada Cadaan laxeey oo hoostagta deegaanka Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha Dhex, kaasi oo mashaleeshiyaadka ku beegsadeen fariismo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku lahaayeen tuulada.
Dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay deegaano ka fog fog halka uu dagaalka ku dhexmaray.
Sidoo kale, deegaanka waxaa gaaray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo sheegay in Ciidamada iyo dadkeenka ay iska caabiyeen kooxdii soo wareeertay Cadaan laxeey.
Waxaa uu guul ka sheegtay dagaalka maanta deegaanka ka dhacay, isaga oo tilmaamay in khasaare lagu gaarsiiyey, isaga oo tilmaamay in aanay suurtagal aheyn kooxdu maamusho deegaanka.
Weerarka Al-shabaab maanta ku qaaday tuulada Cadaan laxeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaano iyo degmooyin Ka tirsan gobolkaas ay ka dhaceen dagaalo culus oo u dhaxeeyay kooxda Al-shabaab iyo ciidamada.
HBN ONLINE TV