Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ka hadlay madal lagu daahfurayay ololaha is diiwaangelinta doorashada golaha deegaanka ayaa fariin siyaasadeed oo culus u diray u diray siyaaasiyiinta mucaaradka ah, isaga oo ku booriyay in ay xisbiyo siyaasadeed furtaan oo ay u diyaar garoobaan ka qaybgalka doorashada la filayo inay dhawaan dhacdo.
Mucaaradka, oo ku mideysan madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa dhawaan shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo socday muddo saddex maalmood ah. Warmurtiyeed ay soo saareen mucaaradka ayaa lagu sheegay in aysan diyaar u ahayn in dib loogu laabto doorasho dadban. Qoorqoor ayaa si cad ugu baaqay mucaaradka in haddii aysan diyaar u ahayn doorasho dadban, ay isku diyaariyaan doorasho toos ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay in wixii qaldan si wadajir ah looga wada hadli doono “Haddii aadan doorasho dadban diyaar u ahayn, xisbiyo soo furta, shuruudaha soo buuxiya, kadibna doodiinna soo bandhiga,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, isaga oo carabka ku adkeeyay in doorashada golaha deegaanka ay si rasmi ah uga bilaaban doonto magaalada Dhuusamareeb, oo ah caasimadda maamulka Galmudug. Kadib, waxaa qorshuhu yahay in doorashadu loo gudbiyo dhammaan degmooyinka xorta ah [aan Alsshabaab joogin] ee Galmudug.
Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili warmurtiyeedkii Mucaaraadka loogu baaqay inay doorashada xiligeeda dhaaftay ee maamullada Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Galmudug la qabto.
HBN ONLINE TV