Madaxweynah Maraykanka oo hadallo ad adag oo aflagaado ku jiraan ka jeediyay Ilhaan Cumar iyo Soomaalida

Madaxweyne Donald Trump, ayaa hadallo ad adag oo uu jeediyay intii uu ku jiray khubaddiisa shirka dhaqaalaha aduunka ee Davos ee dalka Switzerland waxaa uu si cad oo aflagaado ku jirto ugu weeraray Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee dalkiisa ku nool, isaga oo markale dhaliilo quursi ah u jeediyey Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Trump ayaa sheegay in xaaladda ka jirta gobolka Minnesota ay tusaale u tahay, sida uu yiri, “caqabado ka dhasha” soo dhaweynta dad ka yimid dalal uu ku tilmaamay “kuwo fashilmay”. Wuxuu hadalkiisa ku sheegay in reer Galbeedku aysan awoodin inay si ballaaran u qaabilaan dhaqan uu ku sheegay mid hore ugu guuldarreystay dhismaha bulshooyinkooda.

“bal u fiirso waxaan dalka keensanynaa dad ka yimid Soomaaliya, Soomaaliya-na waa dal fashilmay, ma aha qaran. Ma leh dowlad, ma leh boolis, ma leh waxba.” ayuu Trump ku andacooday.

Sidoo kale, Trump ayaa hadalkiisa ku soo daray xildhibaanad Ilhaan Cumar, isagoo ku eedeeyay haysasho hanti aad u badan, isla markaana uu sheegay in loo sheegay inay ku doodayso in Dastuurka Mareykanka uu dammaanad qaadayo arrintaas.

“Sidoo kale waxaa inoo joogta xildhibaan been abuur ah oo hadda la ii sheegayo in hantideedu gaareyso 30 milyan oo doolar. Bal ka waran waxaa, ma rumeysan kartaa?” ayuu yiri markale Trump.

Trump oo mar kale weeraray Ilhaan Cumar ayuu sheegay in iyada oo soo xiganaysa dastuurka ay leedahay “Dastuurka ayaa ii dammaanad qaadaya lacagtaas.” ayuu yiri, wuxuuna si kale oo aflagaado ah uu u yiri “Hadde waa iyadoo ka timid dal aan dowlad ahayn, haddana waxay noo sheegaysaa sida loo maamulo Mareykanka. Arrintaasna muddo dheer kuma sii socon doonto, I aamin”.

Hadalladan ayaa dhaliyay dood iyo falcelin kala duwan, iyadoo dad badan ay u arkeen kuwo weerar ku ah Soomaaliya iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed