Madaxweynaayaasha Soomaaliya iyo Masar oo sheegay in il gaar ah ku haayaan mas’uuliyadda sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhigiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa kulan war wadajir ah oo ku dhexmaray magaalada Qaahira ka soo saaray hadalo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal oo ay ku jiraan amniga, tababarka ciidamada iyo nabadda geeska Afrika.

Labada Madaxweyne waxay adkeeyeen in Masar ay taageero buuxda u hayso midnimada, madaxbannaanida duleednimada Soomaaliya, iyagoo si cad u diiday tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay mowqifka Masar, wuxuuna cambaareeyay aqoonsiga ay Israel u fidisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

“Tallaabooyinka khaldan ee ay Israel ku aqoonsatay Somaliland waxay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah, Dastuurka Qaramada Midoobay, iyo Midowga Afrika, waxayna ina gelinayaan halis sii kordheysa iyo horumaro, sidoo kale waxay furaan albaabada kooxaha xagjirka ah ee carqaladaynaya xasilloonida gobolka, taasoo ka dhigaysa Soomaaliya meel soo jiidasho u leh argagixisada iyo qaxarka dhalinyarada, sidaasna u dhaawacaysa shacabka Soomaaliyeed. Tani waxay ahayd qalad weyn, waxayna khatar ku tahay amniga Soomaaliya, isla markaana saamayn ballaaran ku leh xasilloonida Geeska Afrika iyo Badweynta Cas.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

War-saxaafadeedka wadajir ah ee labada mdaxweyne warbaahinta la wadaageen ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo ka-qaybgalka Masar ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo Masar ay xaqiijisay diyaar u ahaanshaheeda dhanka tababarka iyo dhisidda hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Al sisi ayaa yiri “Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay horumarka gobolka ee hadda jira iyo in la xoojiyo isku-duwidda wadajirka ah si loo wajaho caqabadaha horyaalla gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo amniga, xasilloonida, iyo barwaaqada”.

Ugu dambeyn, labada Madaxweyne waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta gobolka, gaar ahaan sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda amniga marin-biyoodkan ay si gaar ah u saaran tahay dalalka ku teedsan, si loo gaaro nabad, xasillooni, iyo horumar waara.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed