Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey magaalada Carta ee dalka Jabuuti, halkaas oo lagu qabtay munaasabadda xuska 25 sano guurada Shirweynihii Nabadaynta ee Carta – shirkii saldhig u noqday dhismaha Jamhuuriyadda 3-aa ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Jabuuti kaalin taariikhi ah ka qaadatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay si dhab ah u muujisay walaaltinimo iyo naf-hurnimo lagu dhisay dowladdii ku-meelgaarka ahayd ee ka dhalatay shirkaas. Wuxuu u mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti.
“Waxay noo hureen naftooda, wuxuuna magaca Hiil Walaal ka hirgalay halkaan Carta. Jabuuti markii ay dowlad noo dhistay nagama harin, ilaa hadda way nala joogtaa, iyadoo weli ku howlgaleysa magaca Hiil Walaal,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Qabaa’ilka Soomaaliya aanay laheyn, sida uu hadalka u dhigay, wax ajande siyaasadeed ah, basle siyaasiyiinta dalka ay ka faa’iideystan.
“Qabaa’ilka Soomaaliyeed ajande siyaasadeed malahan intooda badan, laakiin siyaasiyiinteena ayaa mararka qaarkood isticmaala.” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Isagoo sii hadlaya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ka hadlay arrimaha siyaasadda gudaha, gaar ahaan nidaamka 4.5, isagoo sheegay in nidaamkaasi uu ahaa xal ku-meelgaar ah oo waqtigiisa lahaa, balse aan loogu talagelin inuu noqdo mid joogto ah.
“Waxaan ogsoonahay wadajirka micnaha uu leeyahay. Dad badan ayaa eeda ama dura qadiyadda 4.5, laakiin waxay ahayd aalad maalintii aanan wax kale haysan. Maalintii lagu dhawaaqay in wax lagu qeybsado waxay ahayd laba sano oo kumeelgaar ah, nasiib darro ma dhicin, balse hadda waan u soconnaa in laga gudbo,” ayuu raaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo sheekeeyey wakhtigii iyo sidii Jabuuti isagu xilqaantay xiligaas in xal kama dambeys ah la gaaro, isagoo xusay in mira-dhalkii lagu gaaray shirkii Carta uu noqday mid soo saaray dowladdii Soomaaliya ee ku meelgaarka ahayd ee Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan.
Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay mar walba ku tiirsanaan karaan walaaltinimada, taageerada, iyo garab istaagga Jabuuti ee ku aaddan nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna isaga oo xusay hadal uu horay uga sheegay shirkii 2000 oo ahaa “ii hiiliya”, isagoo ku bedelay “isu hiiliya.”
Dhanka kale, Madaxweynihii Dowladdii KMG-ka ee Jabuuti lagu soo doortay, Shariif Sheekh Axmed, oo isna hadlay ayaa xog ka bixiyey ujeedadii iyo aragtii ka dambeysay in la saaro ciidamada Itoobiya, taas oo uu sheegay inay ahayd ujeedkii ay kaga soo horjeedeen dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, lagana gaaray isfahan sababay in ciidamadii dalka laga saaro.
Shirka Carta waxaa kale ku sugnaa dhinacyo badan oo siyaasadeed oo ay ugu horreeyaan madaxda mucaaradka sida Xasan Cali Khayre iyo Cabdi Shirdoon, kuwaas oo ka soo muuqday goobta shirka Carta.
HBN ONLINE TV


