Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya sheegtay in dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu kulan muhiim ah haatan ugala socdo xarunta Madaxtooyada dalkaasi ee magaalada Ankara.
Kulankan oo hordhac ah ayaa la tilmaamay loogu sii gogol-xaarayo wada-hadallada uu madaxweynaha Turkiga garwadeen ka yahay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka kooban Wasiirro, Taliyaha
Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, iyo La-taliyayaal ayaa la carrababay in uu muujinayo sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Sida oo waxaa la filaa in madaxweynaha Turkiga in uu kulamo midkaa la mid ah la qaato wafdiga ka socda Itoobiya.
Isha ku haay HBN ONLINE TV