Madaxweynaah Geelle oo magacaabay Wasiirka arimaah dibadda ee Djabouti

Madaxweynaha Djabouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabista Cabdoulqaadir Xuseen Cumar inuu noqdo Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, isaga oo beddelaya Maxamuud Cali oo dhawaan loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika.

Magacaabistan oo lagu shaaciyey bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Qaranka talaadada maanta ah ayaa lagu sheegay in sarkaalkan uu haddda wixii ka dambeeya uu ahaan doono Wasiirka cusub ee arimaha dibadda Djabouti.

“Digreeto Madaxweyne oo tirsigeedu yahay Lr 2025-082, taariikhdu tahay 1-da Abriil 2025, ayuu u magacaabay Cabdoulqaadir Xuseen Cumar xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah” ayaa lagu yiri warka Djabouti.

Cabdoulqaadir Xuseen Cumar oo ah diblomaasi khibrad dheer leh, waxa uu ka hor xilkan cusub ahaa Safiirka Djabouti ee Dalka Kuwait. Magacaabista Wasiirkan cusub ayaa la filayaa inay sii xoojiso doorka Djabouti ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Maxamuud Cali Yuusuf oo hoay u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djabouti ayaa xilkan hayey 20 sano, tan iyo 2005-tii, isaga oo bishii Febraayo ee sanadkan loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed