Madaxwayne  Xasan Sheekh iyo Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo yeeshay kulan sagootin ah

Madaxwaynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada  Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee taageerada dowlad dhiska, nabada, amniga iyo arimaha binu aadannimo

Wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo Madaxweynaha uga mahad-celiysay kulankan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Intii ay xilka haysay, Laing waxay hormuud ka ahayd dadaallada lagu taageerayo dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya, horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyo wax ka qabashada baahiyaha bani’aadamnimo.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed