Madaxtooyada Soomaaliya oo Iclaamisay xiliga la qabanayo gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa iclaamiyay xiliga rasmiga ah ee la qaban doono gogosha Wadatashiga Qaran ee Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taas oo lagu wado inay ka furanto magaalada Muqdisho 15-ka bishaan Juun 2025.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in gogoshan ay ka dhigan tahay mid muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo uu horey ugu dhawaaqay una bilaabay wadatashiyo gaar gaar ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida ay bayaanka ku sheegtay madaxtooyada Soomaaliya. Kulamadaasi waxa uu la yeeshay qaar ka tirsan madaxda hore ee dalka, madaxda dowlad-goboleedyada, ururada siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Madaxweynaha yaa carrabka ku adkeeyay in shirkan lagu falanqeyn doono arrimaha udub-dhexaadka u ah dhismaha dowladnimo, sida sugidda amniga, ciribtirka waxa loogu yeero argagixisada, dhammaystirka dastuurka, diyaarinta doorashooyin dimoqraadi ah, xoojinta midnimada dalka iyo dhab-u-heshiinta.

Madaxtooyadu waxay sidoo kale ku baaqday in siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ay si mug leh uga qeyb qaataan shirkan, iyagoo muujiya xilkasnimo iyo masuuliyad qaran.

Guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda Xasan Macalin ayaa loo xilsaaray diyaarinta iyo fududeynta howlaha farsamo ee gogosha, iyadoo ciddii rabta inay soo xaadirto ay soo mari doonto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed