Waxaa lagu wadaa maanta in magaalada Mudisho uu soo gaaro madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wafdi uu hoggaaminayo kasoo dhaqaaqeen caasimadda Garoowe, sida ay xaqiijisay warbaahinta maamulka.
Xogta imaanshiyaha Saciid Deni oo la sheegay inay tahay ka qayb galka shirka Mucaaradka iyo Dowladda dhexe ayaa ciwaan looga dhigay “Puntland waxay maanta ugu kicitintay Xamar bad baadada dalka, iyo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa”, inkasta oo aan la bixin xog kale oo dheeraad ah.
Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe ayaa isna la filayaa inuu soo gaaro saacadaha soo aadan Caasimadda Muqdisho, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ka laabatay warqad waaran soo qabasho oo ka taalay hay’addaha amniga ee Dowladda.
Horay dowladda Federaalka ayaa waxba kama jiraan ugu sheegtay Madaxtinimada Axmed Madoobe, inkasta oo aan la cadeyn sida loola macaamili doono iyo hab maamuuskiisa darajo marka la isugu yimaado shirka la filayo inuu dhexmaro dhinacyada isku khilaafsan siyaasadda dalka.
Imaashiyaha labada madaxweyne ee Muqdisho ayaa ku soo aadaysa kadib markii 1-dii bishaan hawada Muqdisho laga celiyey wafuud imaanshiyahood hordhac u ahayd, iyaga oo si carro uu kaga falceliyey.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

