Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey qudbad arimo kala duwan uu kaga hadlay oo la xiriira ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay maanta si buuxda uga mid noqotay xubnaha Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Soomaaliya uga faa’idaysan doonto arrimo badan oo ay ka mid yihiin Nabadda, la dagaalanka Alshabaab iyo is bedeladda adduunka ka socda.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Xasan in fursadda Soomaaliya ay ku heshay kursiga golaha Ammaanka ay kaga faa’iideysa doonto dhisitaanka haybadda dalka.
Soomaaliya ayuu sheegay inay cod u noqon doonto dhamaan inta aan codka laheyn inta ay joogaan miiska jimciyadda quruumaha ka dhexeysa.
Waxaa uu shacabka Soomaaliya u soo jeediyey in kaalin ay ka qaataan in dalka laga saaro kooxaha loogu yeero Argagxisadda, kuwaa oo tilmaamay sida uu hadalka u dhigay in ku dhawad 20 sano ay dib u dhigeena dalka.
Alshabaab ayuu sheegay in inbadan ay ka soo saareen goobo badan, iyaga oo hadda inta u hartay ay ku dadaali doonaan sidii looga saari lahaa.
HBN ONLINE TV