Madax ka tirsan dowladda oo booqday furinta dagaalka ee Jubbada Hoose

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaaray aagga dagalka deegaanada lagala wareegay Kooxda Alshabaab dhawaraan ee Jubbaland, waxaana kulamo la yeesheen Madaxda huggaamada ciidamada Dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JFS Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka xooga Dalka S/Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin Iyo Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa si wadajir ah u kormeerey deegaannadii dhawaan kooxda Alshabab ku soo wareertay Ciidamada dowaldda ee BuulaXaaji iyo Harboole ee gobolka Jubbada hoose.

Masuuliyiinta ayaa soo indha indheeyey goobihii lagu dilay xubnihii kooxda Alshababka weerarka ku soo qaaday 22-kii bishaan deeganada Buula xaaji iyo Harboole, sida lagu sheegay warka warbaahinta Dowladda

Madaxda tagay aagga dagaalka ayaa u Balan qaaday in dhamaan Ciidanka labadiisa heer dowlad goboleed iyo federaalba loo dhamays tiri doono waxkasta oo ay u baahan yihiin, si bay yiraahdeen “cadowga looga dulqaado dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ku hayaan” sida hadalka loo dhigay.

Labadii bil ee ugu dambeyey Ciidamada Dowladda ee ku sugan Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in deegaano istiraatiiji ah kala wareegeen kooxda Alshabaab, iyada oo howlgalkii ugu dambeyey uu dhacay 22-kii bishaab Luulyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed